dhaji
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)1. Ku dh.: wax meel ku nabid. 2. Ku dh.: qof wax ku ilayn. ld dheji (5).
dhaji
(m.l) (-iyo, m.dh)Nooc halaqa ka mid ah. ld haldheji.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhaji ↴
dhajin [m.f.dh]
eeg dhaji. ld dhajis (3), dhejin, dhejis.
dhajis [m.l]
1. Mas gaboobay. 2. Cudur caloosha ku dhaca oo mantag badan leh oo la aaminsanyahay inuu ka dhashay ilayn qof la ileeyay. 3. ld dhajin.
dhajisgoyn [m.dh]
Daaweynta cudurka dhejiska.
dheji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax meel ku nabid. 2. Ku dh.: wax dab ku taabasho. 3. Ku dh.: cid wax cunaysa ku ileyn (qof). 4. Isku dh.: cid kale isku dawdarid (qof). 5. ld dhaji.
dhejin [m.f.dh]
eeg dheji. ld dhajin, dhajis, dhejis.
foormaliin [m.dh]
(kiim.) Milan ka kooban biyo iyo 40% oo “formaldehyde” ah loona isticmaalo jeermidile (sterilization) ama dhajiye (fixative) gaar ahaan qaybta cudur barashada (pathology) waxaana lagu dilaa “antharax spores”.
haldhaji [m.l]
ld dhaji.
haldheji [m.l]
ld dhaji.