dhali
(m.l)Afka hore ee xubinta taranta dhiddigoodka.
dhali
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)1. Dheddig foolanaya ilmo ka soo qabasho. 2. Ciyaar kubbadeed dhibco ka keenid (qof).
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhali ↴
ubax [m.l]
Qaybaha geedka qayb ka mid ah oo
xubnaha dhalidda iyo abuurku soo maraan;
waa caleemo midabyo badan oo qurxoon;
xay; man.
ubaxow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Ubax dhalid (geed). ld ubxow. ubxow
baabasiir [m.l (daaw.)]
Jirro ku dhacda malawadka qeybtiisa danbe oo leh finan dhaliya cuncun badan. ld bawaasiir bawaasiir
laakee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-keeyay, -keysay)
Laako dhalid.
naanays [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-say, -stay)
1. Ku n.: qof magac dheeri ah oo aan kiisii dhabta ahaa ahayn u bixin. 2. Ku n.: cid falkeeda dhaliilid. ld naynaas².
nabadee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -daysay)
Meel nabad ka dhalin.
tacabkhasaaro [m.dh]
Dadaal miro dhalin la'aan.
ugxandhalid [m.dh]
(baay.) Taran ugxanta bacrinsani ay ku korto kuna dillaacdo marin ugxaneedka hooyada.
ummul [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ulay, -ushay)
Ilmo uur ku jiray dhalid.
ummuli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Ilmo ka dhalin.