Site icon Qaamuus

jawaabta

dhaliil
(Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine)

Daldalool iyo iin wax leeyahay.

dhaliil
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-iilay, -iishay)

Daldalool iyo iin wax leeyihiin sheegid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhaliil

naanays [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-say, -stay)
1. Ku n.: qof magac dheeri ah oo aan kiisii dhabta ahaa ahayn u bixin. 2. Ku n.: cid falkeeda dhaliilid. ld naynaas².

bilis [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Bulshada inteeda aan xag dhaqameed wax dhaliil ah isir u lahayn. 2. B. ah: qof aan xag dhaqameed wax dhaliil ah isir u lahayn. 3. B. xaawo: haween.

buri [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) Nafley orodsiin si meel looga fogeeyo; eryid; cayrin. 2. (f.mg) Qof meel uu ku noolaa ama hawl ka hayey ka fogayn dhaliil awgeed. 3. (f.mg) U b.: cid sed dheeraad ah siin.

cambaaree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
1. Cambaar u yeelid. 2. Cid ceeb iyo dhaliil ka faafin; dhaleecayn, ceebayn.

cillad [m.dh] (-do m.l)
1. Dhaliil qof leeyahay oo qiimahiisa hoos u dhiga. 2. Iin wax leeyahay. Tus. “Baabuurka c. buu leeyahay”. ld cillo.

dhaliilid [m.f.dh]
eeg dhaliil².

muqaddas [m.l]
1. (dii.) Waxyaabaha diinta la xiriira oo la dhowro ee aan dhaliil laga bixin karin, sida quraanka iyo xadiiska. 2. (dii.) Meel Eebbe lagu caabudo. 3. Waajib ay khasabtahay in fuliyo.

ragrif [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
R. ah: nin aan waxtarin, ninka waxtarka ahna dhaliila.

dhali [m.l]
Afka hore ee xubinta taranta dhiddigoodka.

dhali [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Dheddig foolanaya ilmo ka soo qabasho. 2. Ciyaar kubbadeed dhibco ka keenid (qof).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version