dhalmo
(m.dh)Soo saaridda nafley dheddig minkeeda ka soo saarto ilmo. ld dhalid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhalmo ↴
ciso-la'aan [m.dh]
(daaw.) La'aanta ama joogsashada caadada (dhiigga) ay dumarku bishii mar helaan. Caado ma laha gabdhaha aan baaluqin, dumarka uurka leh ama caano laga nuugayo iyo kuwa dhalmo dayska ah.
dhalid [m.f.dh]
eeg dhal². ld dhalis², dhalmo.
gale [m.l] (-layaal, m.l/dh)
1. Cudur ku dhaca xubnaha taranka ee dadka, oo keena dhabar xanuun iyo dhalmo la'aan; jabto. 2. Dabayl xoog leh. 3. Gebi tog.
laxmar [m.l]
1. Galgaal, cadaad (xiddigo). 2. Dheddig (xayawaan ama dad) oo dhalmo darro darteed la cayilay.
qurud [m.l]
Cudur geela dheddig sabiisha wareeggeeda uga dhaca oo badanaa keena dhalmo la'aan, haddaan laga daaweyn.
dhal [m.l] (-lal/-llal, m.l)
1. Ubad yaryar oo nafley; dhallaan; carruur; ilmo. 2. Firfir yaryar oo subag ah oo ay yeeshaan caano la lulayo.
dhal [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-alay, -ashay)
1. (f.g) Nafley rimman ubad dihasho. 2. (f.g) Geed miro iwm yeelasho. 3. (f.g) Caano la lulay subag yeelasho. 4. (f.mg) Ilmo if imaan. Tus. “Wiil baa dhashay”.