dhamme
(m.l)Sarkaal saddex xiddigood leh; kabtan.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhamme ↴
idlee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -laysay)
Wax dhammeyn.
jab [m.l] (-bab, m.l)
(daaw.) Jab lafeed oo dhammeystiran ama bacran ah.
qaaddan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Qof aan maskaxdiisu dhammeyn ahaansho; derderan.
aqool [m.l] (-llo, m.dh)
1. Waqtiga hawlmaalmeedka la dhammeeyo ee guryaha loo noqdo. 2. Sida cuntada loo qaybiyo.
aqool [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-oolay, -ooshay)
1.(f.g) Dad badan cunto u qaybin. 2.(f.g) Wax dad badan ka dhexeeya maamulid. 3. (f.mg) Iyadoo hawl maalmeed la soo dhammeeyay guri u soo noqosho.
biyarraaci [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax hore loo mayray biyo saafi ah oo wasakhda ka dhammeysa ku dhaqid.
caanalahar [m.dh]
Neef xoolaad oo ay adagtahay in caanaha laga dhammeeyo.
cuddabbixi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Haweeney la furay inta ay cuddada dhammeysanayso masruufid.
cuddabbixis [m.l]
Masruufka la siiyo haweeney la furay inta ay cuddada dhammeysaneyso. ld cuddabixin.
dafcad [m.dh] (-do, m.l)
Koox dad oo hawl wada billaabay ama wada dhammeeyey.