dhaqmid
(m.f.dh)eeg dhaqan².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhaqmid ↴
jaahiliyad [m.dh]
1. Ku dhaqmid la'aanta diinta islaamka. 2. Xilliga Islaamka ka hore ee taariikhda carabta.
qaado [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-aatay, -aadatay)
1. Wax meel yiil meel kale geysasho. 2. Wax milkintooda la wareegid. 3. Talo, fikrad, dawo iwm ku dhaqmid. 4. U q.: wax si gaar ah u aqoonsasho, u malayn. 5. Naag guursasho. 6. U q.: wax,wax kale ku gudasho.
darajee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-jeeyay, -jeysay)
Qof, si xushmad iyo qaddarin ku jirto ula dhaqmid. ld derejee.
dhaqlee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -leysay)
Si kibir iyo maangaabnimo ku jirto u dhaqmid.
dhaqmaad [m.l]
1. Dhaqmidda; asluub; nolol. 2. Wax la isticmaalay, wax aan cusub ahayn.
dheeh [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-hay, -hday)
1. Bir, dhoobo iwm lakab xalleefsan oo dhawraarin iyo qurxin looga dhigayo dusha ka marin. 2. Wax xabag dhammaajo marin. 3. Wax dhafid. 4. Cid si fiican ula dhaqmid.
dhexnool [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-laa, -layd)
Ku dh.: cid la dhaqmid.
diindarro [m.dh]
Si xun ugu dhaqmidda diin si xun loogu dhaqmo.
dulleyso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
Qof si xun oo bani'aadannimada ka baxsan oo uu raalli ka yahay ula dhaqmid.