Site icon Qaamuus

jawaabta

dhoob
(m.l)

1. Dhoobo. 2. Weel dhoobo laga sameeyey.

dhoob
(m.l)

Midab ri'cad dhabannada uga yaal.

dhoob
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-bay, -btay)

1. Wax badan meel isugu ururin. 2. Guri, xafiis iwm salaaxid. 3. Fallaar, gammuun iwm waabaayo marin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhoob

aajur [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Jaajuur yaryar oo ka samaysan dhoobo guduudan oo wax lagu dhiso.

ibriiq [m.l] (-qyo, m.l/dh)
Weel ka samaysan macdan, naxaas dhoob iwm oo af dhuuban, dhegdheer iyo dabool leh oo shaaha lagu karsado ama lagu shubto; kirli; jalmad. kirli, jalmad

idan [m.l] (-nno, m.dh)
1. Oggolaansho, rukhso. 2. Qalab ka samaysan dhagax jilicsan ama dhoobo oo inta dhuxulo nool lagu guro dhirta udgoon lagu shito; dabqaad; idin. dabqaad, idin

naanni [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Meel la dhisay oo dhoobo laga sameyey oo marka xoolaha la waraabinayo biyaha loogu shubo, berked yar; dar.

uuro [m.dh]
1. Boor ama qiiq madow oo kacsan. 2. Biyo dhoobo ku qasantahay oo aad u calawsan. 3. Midab xooluhu yeeshaan oo madow, guduud iyo cawl isugu dhafan.

aashuun [m.l] (-uummo/-uunno, m.dh)
Weel tebedda u eg, dhoobo ka samaysan oo biyaha lagu shubto. ld ashuun.

bilaale [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Koob yar oo sida badan dhoob ka samaysan oo lagu cabbo bunka.

bur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Weyso gadmid. 2. Dheri dhooba ah kala jabid. 3. Xeer jiray baabbi'id. 4. Markhaati beenoobid.

cadhoobid [m.f.dh]
eeg cadhow.

cakisan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax la cakisay ahaansho (bur, timir, dhoob, iwm).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version