dhoor
(m.l) (-rar, m.l)1. Daliig timo ah oo carruurta yaryar, madaxa bartankiisa loogu reebo. 2. Carjaw ama baalal kor u taagan oo shimbiraha qaarkood madaxa bartankiisa ku yeeshaan.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhoor ↴
faa [m.dh (c.nafl.)]
Shimbir yar oo dhoor iyo daba dheer leh oo qoollayda in yar ka weyn.
dhawdhawle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Shimbir dhoor iyo af dhuuban oo xooggan leh oo hoygeeda geedaha ka samaysata. ld dhawdhawley.
dhoorre [m.l]
Wiil yar oo dhoor leh.
dhoorrey [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Shimbir dhoor leh. 2. Dh. ah: wiil (ama gabar) yar oo dhoor leh.
gadhoorad [m.dh]
ld kalloorad.
gebiyandhoorre [m.l]
Nooc shimbiraha ka mid ah oo dhoor dhaca madaxa ku leh. ld gobyahandhoorr.
gobyahandhoorre [m.l]
ld gebiyahandhoor- -r.
guugguule [m.l]
Shimbir cidiisu “guu-guu” tahay; dhoor buu leeyahay; hud'hud.
hud-hud [m.l] (-do/-dyo, m.dh)
1. Shimbir yar oo dhoor, dabo dheer iyo midab qurxoon leh. 2. Qof dadka isku dira.