Site icon Qaamuus

jawaabta

dhowee
(Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2) (-weeyay, -weysay)

1. (f.g) Wax, wax kale ag geyn. 2. (f.g) Cid sagootiyid. 3. (f.g) Cid martigelin. 4. (f.g) Weel wax lagu shubay muggiisa in yar ka dhinmid. 5. (f.mg) Soo dh.: cid qaabilid. ld dhawee.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhowee

ansaar [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Muslinkii hore oo reer Madiina oo Nebi Maxamed (nnk) iyo Muhaajiriintii soo dhoweeyey oo taageerada weyn u fidiyay.

dhawee [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-weeyay, -weysay)
ld dhowee.

dhays [m.dh]
D. ah: neef soo sid dhoweeyey oo candhadiisa iyo sabiishiisa ka muuqato buurnaan.

dhoweyn [m.f.dh]
eeg dhowee. ld dhaweyn.

fooldiin [m.l]
Xanuun fooleed qabta dheddigoodka dhalaya marka ay soo sid dhoweeyaan. ld foolbeenaad.

foori [Fal Magudbe1/2 | Verb Intransitive1/2] (-ryay, -iday/isay; -ryi)
Bushimaha oo laysu dhoweeyo oo neef xooggan lagu afuufo cod ka yeerin.

fuuq [m.dh]
1. Shanqarta ka yeerta kolka biyaha, caanaha iwm xoog loogu soo nuugo bushimaha oo urursan oo loo dhoweeyo; fiq; fururuq. 2. In yar oo kol la fuuqsado. ld fiiq².

shindhowee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-weeyay, -weysay)
ld sid-dhowee.

sid-dhowee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-weeyay, -weysay)
Dheddig xoolaad oo rimman waqtigii ay dhali lahayd u dhowaasho. ld shindhowee.

dhow [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-waa, -wayd)
Wax aan fogayn ahaansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version