dhoweyn
(m.f.dh)eeg dhowee. ld dhaweyn.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhoweyn ↴
qaabbil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ilay, -ishay)
1. Cid la kulmid.
2. Cid la shirid, cid soo dhoweyn.
afyaal [m.l]
1. Hoggaamiye; horyaal. 2. Qof cid u qaabbilsan soo dhoweynta. 3. Aftahan. 4. Oodafo. 5. Mir ka duwan iniinaha tusbaxa, dheer, oo soo ooda taxa tusbaxa.
deelqaaf [m.l]
1. Ka leexashada qaafiyad maanso ku socotay laga leexdo. 2. D. ah: Hadal meesha laga sheegayo aan ku habboonayn ama gef ah. 3. Labo waxyaalood oo aan isu dhoweyn isu keenid.
dhaweyn [m.dh]
ld dhoweyn.
marxabbee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -beysay)
U m.: qof si wanaagsan u soo dhoweyn. ld marxabbeysii.
qabbir [m.l]
Isu dhoweynta lugaha awr la dabrayo aad la isugu dhaweeyo. ld qabbirid.
qariibi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Qof qariib ah dhoweyn.
shindhoweyn [m.dh]
ld sid-dhoweyn.
sid-dhoweyn [m.f.dh]
eeg sid-dhowee. ld shindhoweyn.