dhukaan
(m.l)Cudur ur qurmoon leh geela ku dhaca, neefka daaqa u diida oo uu la caatoobo.
dhukaan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-aamay, -aantay; -aami)Dhukaan qaadid (geel).
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhukaan ↴
baal [m.l] (-lal, m.l/dh)
1. Garbaha haadda ama daayuuradaha ay ku duulaan midkood. 2. Dhogorta shimbiraha. 3. Xaanshi jilicsan, cabir gaar ah oo wax lagu qoro leh. 4. ld baalcas. Diqsi weyn oo xoolaha dhiigga ka nuuga, cudurka dhukaankana u kala qaada. 5. Buunshe. 6. B.ka isha: timo yaryar gaagaaban oo ka baxa afka daboollada isha naaslayda. 7. Cudur ku dhaca carruurta oo qaraw iyo caddaad leh. 8. Cudur ku dhaca geela oo qoorta qalloociya.
dhugayso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-stay, -satay)
1. (f.g) Wax nishaabid. 2. (f.mg) Dhukaan qaadid (geel). 3. (f.mg) Garaad yeelasho (qof).
dhukaamid [m.f.dh]
eeg dhukaan².
dhuug [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Cayayaan ay fowfowlaha isku bahyihiin, leh af dhuuban oo uu dhiigga xoolaha kaga nuugo, geeluna dhukaanka ka qaado.
gannad [m.l]
1. Cayayaan u eg gendiga oo xoolaha dhiigga ka nuugta ayadoo geela ku reebta cudurka dhukaanka. 2. Caatoobidda xoolaha siiba geela marka dhukaanka ku dhaco ama abaari hesho; jaynaf. 3. ld gannadi.