dhululub
(m.dh) (-byo, m.dh)(xis.) Adke ku soohdimaysan dul dhululubaysan iyo laba sallax oo barbarro ah, ama dusha adkahan oo kale.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhululub ↴
annilliida [m.l] (-ooyin, m.l)
(baay.) Faylam ka mid ah laf dhabarla'da oo ka kooban goryaanno maraaraysan, tusaale: dirxi dhuleed. Anniliiduhu wuxu leeyahay jidh jilicsan oo dhululubaysan kaas oo ay ka muuqdaan maraaro. Maraarahaasi waxay aad uga muuqdaan dhinaca dusha iyaga oo u taxan sida fargallada ama kaatun. Dhinaca gudaha maraar kasta waxa tan kale u dhexeeya xuub iyo xaad dag.
birmiil [m.l] (-llo, m.dh)
Weel weyn oo bir ah qaab dhululubo leh oo qaada labo boqol oo litir, fuusto. ld barmiil.
cadaadis-beege [m.l] (-gayaal, m.l/dh)
(fiis.) Qalabka loo isticmaalo in lagu cabbiro cadaadiska gibilka. Qaabkiisa ugu sahlan waxa loo yaqaan cadaadis beegaha meerkari; meerkaridaas oo ku jirta dhululubo qarsho ah oo xiran oo lagu gembiyay meerkari kale oo weel ku jirta; meerkaridaas ku jirta dhululubada waxay ismiisamayaan culayska gibilka, dherekeeduna wuxuu ku siinayaa cabbirka culayska cadaadiska gibilka. Heerka meerkarida ee dhululubada ku jirta wuxuu tusinayaa celceliska cadaadiska gebilka ee bad la simanta.
dhululubo [m.dh]
Koombo.
fuusto [m.dh] (-ooyin, m.l)
Weel bir ah, adag, qaab dhululubo leh oo laba boqol oo litir qaada; barmiil. ld foosto.
kiloogaraam [m.l] (-mo, m.dh)
Summad: Kg. Halbeegga caalamiga (H.C.) ee cufka loona qeexo cuf le'eg muunadda caalamiga ee ka samaysan balaatinam, iridiyam, laguna keydiyo waaxda keydinta cabbirka iyo misaanka, kuna taalla Sefres, agagaarka Baariis. Muunadda caalamigu waxa ay ka samaysan tahay dhululubo jooggeedu le'egyahay dhexroorkeeda kana diyaarsan iskudhaf ka kooban 90% balaatinum iyo 10% iridiyam.
kutirsane [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
(c.nafl) Xubin ka mid ah xubnaha urur, tusaale ahaan, 6 waa kutirsane ururka bilaha sannadka. 2. (xis.) Xarriijinta ka samaysanta qayb ka mid ah dusha sallaxan ee toobin ama dhululubo summad: E.
qashir [m.l]
1. Qayb ka mid ah qaybaha xabbadda badanaa ka samaysan maar, leh qaabka dhululubada, oo ay ku dhex jirto baaruud, afka horena ku wadata sulub. 2. Gufarka caleenta shaaha ama bunka oo weelka salkiisa ku hara. ld gashir, qashar.
raybosoom [m.l] (-myo, m.dh)
(baay.) Jidh yar oo dhululubaysan oo ku dhexjira unug nool, kaas oo ah halka lagu sameeyo borotiinka. Raybosoomyadu waxay ka koobanyihiin nooc RNA oo la yidhaahdo RNA ribosoomaysan iyo borotiin.