dhuro
(Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3) (-rtay, -ratay)1. (f.g) Hoore weel ku shubasho iyadoo weel yar la dardarayo. 2. (f.mg) U dh.: dhaqan ama dabeecad ciddiisu hidde u lahayd la soo bixid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhuro ↴
banduul [m.l]
Meel doonyaha dhexdooda ku taal oo loo sameeyo inay biyuhu ku soo uruuraan si looga dhuro.
dhuraal [m.l]
Ceel biyo yarood ah oo in qof la geliyo oo uu biyaha soo dhuro mooyee aan si kale looga cabbin.
dhuraal [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. Dh. ah: ceel biyo yarood ah oo aan wadaamaha la dardari karin. 2. Dhuridda biyo weel lagu dhuro iyadoo meel kale lagu shubayo.
dhurasho [m.f.dh]
eeg dhuro.
dhure [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
1. Fandhaal weyn. 2. Weel kasta oo wax lagu dhuro.
dhuroobid [m.f.dh]
eeg dhurow².
dhurow [m.l]
1. Liibaan; khayr. 2. ld dhuroobid.
dhurow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Liibaan, taran, khayr iwm helid (qof).
saliifad [m.dh] (-do, m.l)
Weel yar oo qori ah oo biyaha looga dhuro.