dhuu
(m.l) (-uuyo, m.dh)Harag jilicsan oo waayadii hore dhar laga dhigan jiray. ld dhugi.
Hadhuudh*
Eeg Haruur.
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhuu ↴
ib [m.dh] (-bo, m.l)
1. Dalool yar oo naasaha
caaraddooda ku yaal oo ay caanuhu ka soo
baxaan. 2. Dalool ku yaal xubinta taranka
laboodka oo ay kaadidu ka soo baxdo.
3. Dhuun yar oo xanjo ka samaysan oo
dhurduhu u maro surta.
ubbo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Weel badanaa argeeg ka samaysan oo sal ballaaran iyo qoor dhuuban oo weesada lagu shubto. 2. Quluc. Quluc
kaadi [m.dh]
Dareere kelyuhu dhiigga ka soo
miiraan oo isugu soo urura kaadihaysta kana
soo gudba dhuunta kaadimareenka.
maaci [m.dh]
1. Geedaha intooda dhuuxa adag.
2. Waxkastoo adag.
daabdulle [m.l]
Bir dhuuban oo koorta ilaheeda lagu dalooliyo.
gaaddo [m.dh]
1. Xabad. 2. (-ooyin, m.l) Ulo af dhuuban lehoo shacdurka lagu ciyaaro.
ibriiq [m.l] (-qyo, m.l/dh)
Weel ka samaysan macdan, naxaas dhoob iwm oo af dhuuban, dhegdheer iyo dabool leh oo shaaha lagu karsado ama lagu shubto; kirli; jalmad. kirli, jalmad
idif [m.l]
1. Timaha wejiga ku soo dhawaada oo salxanyada korkooda ka baxa. 2. I. ah: qof bar yar oo dhuuban.
idifsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax dhuuban oo itaal yar leh ahaansho (nafley).
laama [m.dh]
(c.nafl.) Naasley geela la bah ah oo aan kurus lahayn, lagana helo Ameerikada koofureed, leh sur dheer oo dhuuban, dhego dhaadheer iyo dhogor jilicsan, cufan oo dhaadheer oo la rarto, hilibkeedana la cuno, dhogorteedana dhar laga sameeyo.