dhuub
(m.l) (-bab, m.l)1. Daliig mayrax ama xaskul ah. 2. Laa barshin oo caw ah oo isku xiran. 3. Sacab muggiis oo badar, sonkor iwm ah. 4. Mid ka mid ah ubaxa docihiisa.
dhuub
(m.dh)Dhenged.
dhuub
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-bay, -btay)Wax baaxaddiisa yaryar.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhuub ↴
ubbo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Weel badanaa argeeg ka samaysan oo sal ballaaran iyo qoor dhuuban oo weesada lagu shubto. 2. Quluc. Quluc
daabdulle [m.l]
Bir dhuuban oo koorta ilaheeda lagu dalooliyo.
gaaddo [m.dh]
1. Xabad. 2. (-ooyin, m.l) Ulo af dhuuban lehoo shacdurka lagu ciyaaro.
ibriiq [m.l] (-qyo, m.l/dh)
Weel ka samaysan macdan, naxaas dhoob iwm oo af dhuuban, dhegdheer iyo dabool leh oo shaaha lagu karsado ama lagu shubto; kirli; jalmad. kirli, jalmad
idif [m.l]
1. Timaha wejiga ku soo dhawaada oo salxanyada korkooda ka baxa. 2. I. ah: qof bar yar oo dhuuban.
idifsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax dhuuban oo itaal yar leh ahaansho (nafley).
laama [m.dh]
(c.nafl.) Naasley geela la bah ah oo aan kurus lahayn, lagana helo Ameerikada koofureed, leh sur dheer oo dhuuban, dhego dhaadheer iyo dhogor jilicsan, cufan oo dhaadheer oo la rarto, hilibkeedana la cuno, dhogorteedana dhar laga sameeyo.
laamallooye [m.l]
(bot.) Geed laan kaliya ka kooban oo dheer, jirriddiisuna dhuubantahay, dushana had iyo jeer ku leh caleemo cagaaran. ld laamalloodshe.
naas [m.l] (-so, m.l)
1. Labada xubnood ee caanuhu galaan ee ku yaal laabta dumarka midkood. 2. Labada cad ee ka soo taagan laabta ragga midkood. 3. Cad dhuuban oo xayawaanka caanaha leh candhadooda ka soo laalaada. 4. Dhuun ka soo taagan weelasha wax lagu shubto qaarkood; Ib; gulgulo.
qaaddo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Fandhaal macdan ka samaysan; malgacad. 2. Bir yar oo wareegsan ama afar gees ah oo badanaa dhexda carrab yar oo af dhuuban ku leh oo suumanka iwm inta madaxa lagaga xiro, dacalka kale daldaloolladiisa la suro oo lagu qabto. 3. eeg qaa'id.