dhuun
(m.l)1. Caano si aad ah u suusacay. 2. Malax. 3. Dh.kayga, dh.kaaga iwm: naftayda, naftaada iwm.
dhuun
(m.dh) (-uumo, m.l)1. Tuubada cuntada caloosha geysa; hunguri. 2. Bir, caag iwm dhexda ka daloola, oo hooraha lagu nuugo. 3. Jid toosan oo dhuuban.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhuun ↴
ib [m.dh] (-bo, m.l)
1. Dalool yar oo naasaha
caaraddooda ku yaal oo ay caanuhu ka soo
baxaan. 2. Dalool ku yaal xubinta taranka
laboodka oo ay kaadidu ka soo baxdo.
3. Dhuun yar oo xanjo ka samaysan oo
dhurduhu u maro surta.
kaadi [m.dh]
Dareere kelyuhu dhiigga ka soo
miiraan oo isugu soo urura kaadihaysta kana
soo gudba dhuunta kaadimareenka.
naas [m.l] (-so, m.l)
1. Labada xubnood ee caanuhu galaan ee ku yaal laabta dumarka midkood. 2. Labada cad ee ka soo taagan laabta ragga midkood. 3. Cad dhuuban oo xayawaanka caanaha leh candhadooda ka soo laalaada. 4. Dhuun ka soo taagan weelasha wax lagu shubto qaarkood; Ib; gulgulo.
uuroowid [m.l]
(baay.) Xaalad uurqaadid, marka shahwada labku bacrimiso ukunta dheddigga dhuunta falloobiyo dhexdeda.
xalfoof [m.l] (-fyo, m.dh)
1. Dhuun weyn oo salka baruur ku leh oo wadnaha ka dillaacda. 2. Wax kastoo gudo leh oo aan adkayn, ama korka ka adag iyagoo hoos iyo gudaha ka mootaan.
aroore [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
(baay.) Dhuun dhiig oo dhiigga ku shubta wadnaha.
badeecad [m.dh] (-do, m.l)
1. ld badeeco. Alaab loogu talagalay in laga ganacsado. 2. Jalxad dhuun dheer oo bir ah oo lagu nuugo qaaca ka dhasha tubaakada ay dhuxushu shiddo ee ku jirta saxanka afkeeda daboola.
bayb [m.l] (-byo, m.dh)
Qalab ka kooban dhuun dhuuban iyo madax kuusan oo dhexda ka dalaloola oo tubaakada lagu dhuuqo. ld beeb, biibbo.
biladdaye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
1. Cad dhalo ah oo dhan midab dheeh lacageed ah iyo rinji ka marsan yahay oo la iska arko ama muuqaalka soo celisa; muraayad; mandarad. 2. Qalab qaab dhuun leh oo muuqaallada fog soo dhoweya.
biree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
1. Nafley dhuunta iyo halbowlayaasha mindi ugu goyn. 2. Neef la qalanayo si sharciga waafaqsan dhuunta iyo halbowlahayaasha mindi ugu goyn.