dhuuri
(m.l)Xanuun.
dhuuri
(m.l)Dixiri yar oo waqtiyada dharabka qofka kaba la'aanta socda cagaha ka gala.
dhuuri
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-riyay, -riday; -ryi)Xanuun dareemid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhuuri ↴
dhuurcaso [m.dh]
Jaadadka quraanyada mid ka mid ah oo midabkeedu cas yahay, yaryar oo aad u qaniinya kulul. ld dhuuricaso.
dhuuricaso [m.dh]
ld dhuurcaso.
gelmi [m.l]
Cayayaan yar oo duusha oo qaniinyo kulul oo dhuurida u eg. ld kelm.
kamandhuurid [m.f.dh]
eeg kamandhuur². ld kamandhuur¹.
xanuun [m.l]
1. Dareen meel oogada ka mid ahi iska dareento oo ay la kaarto ama dhuuri ula rooro, nabar ku dhacay ama waxyeello kale oo gaartay darteed; kaar; dhuuri; halac; laxaw. 2. Caafimaad iyo fayoobi la'aan; cudur; bugto; jirro.
dhuu [m.l] (-uuyo, m.dh)
Harag jilicsan oo waayadii hore dhar laga dhigan jiray. ld dhugi.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg