dhuux
(m.l)1. Sooh baruurta u eg oo xididdo yaryari ku safanyihiin oo lafaha dheerdheer ku dhex jira oogada nafley. 2. Lafta geedaha walax yar oo jilicsan oo ku dhex jira. 3. Togga calooshiisa biyuhu maraan.
dhuux
(m.l)(c.nafl.) Nudo jilicsan oo ku yaallo moqorka dhexe iyo meelaha bannaan ee gudaha lafta. Markay dhashaan iyo markay yaryihiin xayawaanku dhuuxa lafahooda oo dhami waxa uu sameeyaa unugyada dhiigga.
dhuux
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-xay, -xday)1. Laf, dhuux kala bixid. 2. Hadal ama arrin aad u fahmid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhuux ↴
maaci [m.dh]
1. Geedaha intooda dhuuxa adag.
2. Waxkastoo adag.
baasarce [m.l]
Nooc ka mid ah bariiska oo leh dhuux guduudan oo macaan. ld baasarac.
bulumbulyo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Cayayaan yar, u eg suuska badarka gala oo qoryaha dhuuxooda burburiya; xar.
dhalaandhuux [m.l]
(bot.) Geed gaab ciinka u eg, aan caleen lahayn, laamo xubno leh yeesha iyo canano indhaha lagu daweeyo. ld dhallaandhuux.
dhallaandhuux [m.l]
ld dhalaandhuux.
dheeraweyn [m.dh]
Cayayaan yaryar dalagga daldalooliya oo dhuuxa ka cuna.
dhiigyari-daran [m.dh]
(daaw.) Nooc dhiigyari ah oo ay keento fitamiin B12 oo yaraata, waxayna ka timaadda ama maqnaanshaha walaxda loo yaqaan (intrinsic factor) oo sahlan fitamiin B12 ka gudubto xiidmaha oo ay dhiigga u gudubto, ama cunnada oo ay ku yartahay fitamiinka Dh.dad. waxa lagu yaqaan sameynta unugyada cas-cas ee dhiigga oo cilladeysan. Dhuuxa lafta oo ay ku jiraan unugyo loo yaqaan megaloblastas.