dibi
(m.l)(dibi/-iyo, m.dh) Labka lo'da.
Caddibid*
Dhibid ama shiddeyn; dhibaateyn; Xannibid
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Nin seexday siciisa dibi dhalay*
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dibi ↴
faago [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-gtay, -gatay)
1. (f.g) Dibi jixinaya raaf dhul ku jiidid. 2. (f.g) Dhul hoos u qodid. 3. (f.mg) Ka f.: in yar ka
fogaasho.
baadibixiye [m.l]
Qof baadida uu arko dhaqaaleeya oo dadkii lahaa ku sima.
faaltow [m.l]
1. Markab aan waqti u go'an lahayn oo kolkuu imaanayo iyo mar kale la kala aqoon. 2. Qof dawdar ah oo hadba meel aan laga filayn taga. 3. Dibi banjoog ah.
orgeysguur [m.l]
Waayidda uu sac ama ri' orgeysani waayo dibi ama orgi kuda (booda).
taallaquf [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
Raaf dhul ku xoqid si uu u guulo dibi kale (dibi).
baantow [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
B. ah: dibi dad dil ah oo cidla-joognimo ku abaaday muddo. ld baantoy.
baaro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
1. Xoolo naftu ka baxayso rafasho. 2. Ku b.: wax burburin ama baabbi'in. Tus. “Beertii dibi qooqan baa ku baartay”.
bakool [m.l]
1. ld bakaal. 2. Dhul carradiisu dibir ama dhooddi tahay; dhul carrocad ah.
banaanadi [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1.(f.g) Qof nafley kale legdid. Tus. “Cali baa Xasan dibir ku banaanadiyey”. 2. (f.mg) Leegleegsasho.
bidibidi [m.dh] (-iyaal, m.l/dh)
Shimbir kashifta dugaagga oo ugaarsatadu neceb tahay.