Site icon Qaamuus

jawaabta

dibir
(m.l)

Dhul ciid adag, dhano ah oo aan geedo badan lahayn; dhooddi.

dibir
(m.dh) (-bro, m.l)

Legdin dhulka si xoog leh laysugu dhufto. ld dibirrooti¹.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dibir

bakool [m.l]
1. ld bakaal. 2. Dhul carradiisu dibir ama dhooddi tahay; dhul carrocad ah.

banaanadi [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1.(f.g) Qof nafley kale legdid. Tus. “Cali baa Xasan dibir ku banaanadiyey”. 2. (f.mg) Leegleegsasho.

daran [m.dh]
Geed yar, jaadad badan oo dhooddida iyo dibirka ka baxa oo dhanaan, geelu ku jeelbaxo leh.

dheefshiid-dhiman [m.l]
(daaw.) Dheefshiid xumaada, cunnada kaddib xanuun bay leedahay, dibiro, lallabo iyo matag.

dhooddi [m.dh]
Dhul ciiddiisu dibir tahay.

dhuxun [m.dh]
1. Biyo ceel ama wax kale oo leh dhadhan xaraar. 2. Dhul dibir iyo dhano ah.

dibirrooti [m.l]
ld dibir.

dibirrooti [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-iyay, -iday; -iyi)
Legdin si xoog leh dhulka qof ugu dhufasho.

dib [m.l] (-bab, m.l)
Dhabarka xoolaha qaarkiisa danbe (hilib). ld dub¹.

dib [m.dh.fk]
1. Gadaal. 2. Ka 0 d./kadd.: xagga dambe ka xiga.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version