Site icon Qaamuus

jawaabta

didi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Didmo geyeysiin (xoolo, ugaar iwm.). ld dudi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh didi

kaalsiyam [m.dh]
(kiim.) Bir firfircoon oo jilicsan, heerkul hoosana ku dhalaasha. Waa curiyaha saddexaad ee ururka II ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxay ku badantahay jeesada ama dhagaxa didibka iyada oo ah CaCO3, jibsimka iyada oo ah CaSO4 2H2 O, jibsim ooman iyada oo ah CaSO4, faloorasbaar iyada oo ah CaF2 iyo abatayt iyada oo ah CaF2 Ca3 (PO4). Marka kaalsiyam lagu gubo meel hawo leh, waxa samaysma kaalsiyam ogsaydh (CaO) oo ah adke yooneed oo cad, waxase ka habboon in ogsaydhka laga diyaariyo kaarbooneytyada kaalsiyam kaas oo u kala baxa ilaa 800° C. Ogsaydhka iyo birta nafteeduba waxay sameeyaan haydarog-saydh (Ca(OH)2) marka ay la falgalaan biyaha.ù

xaddidid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xaddid.

xaddiditaanka PH [m.l]
(xis.) Logaridamka sal 10 ee rogaalka ribnaanta ayoonnada hayda-rojiinta ku jirta milan.

buub [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
1. Rati raran didid. 2. Dayaarad, shimbir iwm duulid.

caddidiif [m.dh]
Harag yar oo ka dillaaca ciddida labadeeda dhinac. ld ciddidiif.

ciddidiif [m.dh]
Fulfullac yaryar oo uu yeesho hilibka ku wareegsan ciddiyaha. ld caddidiif.

dhididi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Nafley jirkeeda dhidid ka keenid. ld dhididsii.

dhididid [m.f.dh]
eeg dhidid³. ld dhidid¹ (2).

dhididin [m.f.dh]
eeg dhididi. ld dhididsiin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version