Site icon Qaamuus

jawaabta

didib
(Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine)

1. Dhul dibir ah. 2. Ciid budo cad ah ama dhagax xaraarta ka samaysmay.

didib
(m.l)

(kiim.) Dhagax badanaaba ku jira macdanta kaarboneyt, gaar ahaanna kaarbooneytyada kaalsiyam iyo magniisiyam.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh didib

kaalsiyam [m.dh]
(kiim.) Bir firfircoon oo jilicsan, heerkul hoosana ku dhalaasha. Waa curiyaha saddexaad ee ururka II ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxay ku badantahay jeesada ama dhagaxa didibka iyada oo ah CaCO3, jibsimka iyada oo ah CaSO4 2H2 O, jibsim ooman iyada oo ah CaSO4, faloorasbaar iyada oo ah CaF2 iyo abatayt iyada oo ah CaF2 Ca3 (PO4). Marka kaalsiyam lagu gubo meel hawo leh, waxa samaysma kaalsiyam ogsaydh (CaO) oo ah adke yooneed oo cad, waxase ka habboon in ogsaydhka laga diyaariyo kaarbooneytyada kaalsiyam kaas oo u kala baxa ilaa 800° C. Ogsaydhka iyo birta nafteeduba waxay sameeyaan haydarog-saydh (Ca(OH)2) marka ay la falgalaan biyaha.ù

gaaroodi [m.l]
Dhul didib ah, bannaan oo ay ka baxaan dhir dhaadheer oo teelteel ah iyo dixin.

gawaan [m.l]
Dhul didib ah oo ada.

gegi [m.dh] (-iyo, m.l)
1. Meel didib ah, bannaan, aan weynayn, oo aan dhir lahayn. 2. Garoon. ld gego, jeg.

shamiinto [m.dh]
(jool.) Iskujir budaysan oo ka kooban silikeytyada iyo luumineytyada kaalsiyam, kaas oo ka samaysmay didib (CaCO3) iyo dhoobo la isku kululeeyey ka dibna la ridkay. Marka lagu qaso biyaha, waxa dhaca falgallo; kuwaas oo sameeya adke adag oo alluumiinno silikeyt ah.

tiirfoorara [m.l]
(jool.) Kolon walax macdaneed ah oo ka soo lulata bar kore, muuqaal ahaan waxay u egtahay ul-baraf, Tusaalaha ugu caansani waa didibka oo inta badan laga helo isagoo ka soo lusha dedka god dhagax nuuradeed.

tiirtaagan [m.l]
(tiirotaagan, m.l) (jool.) Kolon didib ah oo ay biyo ku sameeyeen dedka god, oo uu ku jiro milan-didibeed saqafka ka soo da'ya.

walagaleen [m.l] (-nno, m.dh)
Godod yaryar, afaf badan leh, kana samaysma meelaha didibka ah, oo bahalladu galaan.

did [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Si aan habaysnayn u kala yaacid cabsi awgeed (xoolo ugaar iwm). ld dud².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version