Site icon Qaamuus

jawaabta

digo
(m.dh)

1. Saalo. 2. Saalo burburtay oo badan.

digo
(Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3) (-gtay, -gatay)

1. (f.g) Aroos cid ugu wacasho. 2. (f.mg) Ku d.: col jabay, qof laga adkaaday iwm hadal lafajebis ah ku dhihid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh digo

oog [m.dh] (-go, m.l)
1. Subaxnimo. 2. Dab weyn oo sida badan loo shido in la isaga digo colaad. 3. Calaamad cad oo ay lo'da qaarkeed wejiga ku yeelato.

bacrimee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-meeyay, -maysay)
1. Unug tarmineed lab, unug tarmineed dheddig dhex gelid. 2. Dhul si uu bacrin u noqdo digo ama walax kiimika ah ku shubid. ld bacrimi.

bacrimiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
1. Daawo digo iwm oo dhul lagu shubo si bacrin looga dhigo. 2. Unug tarmineedka lab marka uu dhex galo unug tarmineedka dheddig.

carranafaqayn [m.dh]
Bacriminta dhul digo, daawo iwm lagu bacrimiyo si wax loogu beero.

ciddigod [m.l]
Geed leh laamo dhuudhuuban, caleen yar iyo qodxo qaroofan. ld cinjigod.

dhaddigood [m.l]
ld dheddigood.

dheddigood [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Dumar. ld dhaddigood, dhiddigood.

dhiddigood [m.l]
ld dheddigood.

digasho [m.f.dh]
eeg digo². ld digad.

digdigo [m.dh]
Meel yar, bannaan, simman, oo ciiddeeda aad loo nabay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version