Site icon Qaamuus

jawaabta

digtoon
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)

1. Qof diyaar u ah wax uu filayo ahaansho. 2. Qof si toosan u taagan oo labadiisa lugood si simman isu garab yaalliin ahaansho (millatari).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh digtoon

baq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday; -biqi)
1. Wax xumaaday oo aan la dhami karin noqosho (caano). 2. Baqdin dareemid. 3. Ka b.: sharci, qawaaniin iwm wax khilaafsan faliddiisa ka digtoonaan si looga baxsado ciqaabta ay jebintiisu leedahay.

digtoonaan [m.f.dh]
eeg digtoon. ld dig- toonaansho.

digtoonaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
eeg digtoonow. ld digtoonaan.

digtoonow [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-naaday, -naatay)
1. Qof diyaar u ah wax uu filayo noqosho. 2. (millatari) Qof si toosan u taagan oo labadiisa lugood si siman isu garab yaalliin noqosho.

feeyig [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-gaa, -gayd)
1. Wax digtoon ahaansho. 2. Wax dhiillo hayso ahaansho. ld feejig, feejigan, feeyigan, foojig, foojigan.

hagardaamo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Dhibaato cid aan ka digtoonayn lagu sameeyo. ld hagardaanyo.

jir [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Meel ku maqnaansho. 2. (f.g) Nafley iwm mudda noolaan. 3. (f.g) Wax sugnaantooda hubid. 4. (f.mg) La j.: xoolo ilaalin. 5. (f.mg) La j.: cid la socosho ama la joogid. 6. Jirtoo: waa yahay ee... Tus. “Naahoy, jirtoo hadduu aabbahaa dhul kala dillacay isku kabi karayo waa nin rag ah, hayeeshee aniga meesha aabbahay joogo dhulkuba kama kala dillaaco!”. 7. Iska j.: Ka digtoonow! 8. Shay intuu ka fogyahay shay kale.

miyir [Magac Lab | Noun Masculine]
1. Kartida wax lagu kale sooco ama lagu garto, caqli; maan. 2. Digtoonaan iyo isjirid wax lagu qabto si aan wax dhibaato keena u dhicin, degganaan, xasilloonaan. 3. ld miir 1 (2).

taxaddar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Wax halis ah ka digtoonaansha.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version