Site icon Qaamuus

jawaabta

diiwaan
(m.l) (-nno, m.dh)

1. Buug lagu aruuriyo maanso qof leeyahay. 2. Buug lagu qoro waxyaabo la rabo in la xasuusto.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh diiwaan

borotokool [m.l]
1. Diiwaan. 2. Heshiis caalami ah oo ku saabsan habka loo maro xafladaha dibloomaasiga ah.

caymi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax dhibaato ama halis ka nabadgelin. 2. Aawr la rarayo, cayn ku giijin. 3. Hanti caymis ka diiwaangelin.

caynsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax caymiska ka diiwaan gashan ahaansho (hanti). 2. Wax cayn lagu xiray ahaansho (rati). 3. Wax dhibaato laga samatabixiyey ahaansho (hanti).

caynso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Hanti, caymis ka diiwaan gashasho. 2. Rati, cayn ku xirasho. 3. Hanti, dhibaato ka badbaadsasho.

dhigaal [m.l]
(nax.) Habkastoo diiwaangeliya hawraar tiraab ah iyadoo la adeegsanayo qoraal.

diiwaanee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-neeyay, -neysay)
Diiwaan gelin, ku qorid.

diiwaaneyn [m.f.dh]
eeg diiwaanee.

diiwaangeli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax diiwaan ku qorid.

diiwaangelin [m.f.dh]
eeg diiwaangeli.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version