Site icon Qaamuus

jawaabta

dilid
(m.f.dh)

eeg dil². ld dilniin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dilid

gaado [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-atay, -adatay)
Wax gaadmo ku dilid ama ku qabasho.

waddar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Cid si khayaano ama xoog badan ku dilid. 2. Ambin; luggoyn. ld wedder².

aar [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Alaab (aqal iwm) meel sare saarid. 2. (f.mg) Ka aa.: cid dakano gashay ka gudid. 3. (f.mg) U aa.: cid qof laga dilay, ciddii dishey qof ka mid ah dilid.

aargud [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Ka aa.: cid dakano ay gashay ka gudid. 2. U aa.: cid qof laga dilay, ciddii dishay qof ka mid ah dilid. ld aargudo.

arjun [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-umay, -untay; -umi)
Qof dhagax ku dilid.

baqtijiid [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Qof si dhaqanka iyo anshaxa ka baxsan u dilid. ld bakhtijiid².

caddilid [m.f.dh]
eeg caddil². ld caddil¹, caddilaad.

cakis [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
1. Wax ama qof joojin. 2. Wax rafaaqid; cajiimid. 3. Qof dilid.

daar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax shidid (dab); wax ifid (nal, feynuus iwm). 2. Taabasho; maagid; daandaansi. 3. Qof dilid; qof rayd.

dhagsii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
Qof ama wax dilid.

dil [m.l]
1. Qurgoynta nafley qurta laga gooyo. 2. Garaacid nafley la garaaco.

dil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ilay, -ishay)
1. Nafley qurgoyn. 2. Nafley garaacid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version