Site icon Qaamuus

jawaabta

dillaaci
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Wax dillaac u yeelid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dillaaci

jaaw [m.l]
Cudur ariga raafafka ka gala oo dillaaciya nabarna ka reeba. ld jaawqarreer¹, jaawqarrir.

jab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
1. Wax dillaacid ama kala go'id. 2. Col iwm guuldarro la kulmid. 3. Geed, dhismo iwm dumid. 4. Badeeco qiimeheeda hoos u dhicid.

xafaarad [m.dh] (-do, m.l)
1. Aalad dhulka dillaacisa ama ciidda bixisa. 2. Markab weyn oo badda qoda.

buq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday)
Biyo, neef, gaas iwm oo inta xoog ku soo baxa, daboolkii celinayay tuura ama jeexa; dillaacid; burqasho; qarxasho.

cuq [m.dh]
1. Muddo kooban oo ay digaagaddu ku fadhido ukumaha si ay u dillaacaan. 2. C. ah: digaag ku jirta muddadii fadhiga ee ay ukunta ku dillaacin lahayd. ld uq.

dhambal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-alay, -ashay)
1. Wax si dherer ah u kala dillaacin. 2. Galley shiidid.

dhexdhac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday; -dhici)
1. Ka dh.: dugaag, col iwm meel weerarid. 2. Ka dh.: cudur, colaad iwm meel ka dillaacid.

dhooldillaacid [m.f.dh]
eeg dhooldillaac². ld dhooldillaac¹ (2).

dildillaaci [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax dildillaac u yeelid.

dildillaacid [m.f.dh]
eeg dildillaac².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version