Site icon Qaamuus

jawaabta

dillaacin
(m.f.dh)

eeg dillaaci.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dillaacin

cuq [m.dh]
1. Muddo kooban oo ay digaagaddu ku fadhido ukumaha si ay u dillaacaan. 2. C. ah: digaag ku jirta muddadii fadhiga ee ay ukunta ku dillaacin lahayd. ld uq.

dhambal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-alay, -ashay)
1. Wax si dherer ah u kala dillaacin. 2. Galley shiidid.

dildillaacin [m.f.dh]
eeg dildillaaci.

faruur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Hoore (sida biyaha iwm) marin u dillaacin. 2. Bushin dillaacin.

feer [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Fara duuban wax ku dhufasho. 2. (f.g) Tin iwm shanleyn. 3. (f.g) Wax dalliig u dillaacin. 4. (f.mg) Roob da'ayay joogsasho.

fullaaci [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax, wax uu ka mid ahaa ka dillaacin.

hayl [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ylay, -yshay)
1. Neef summad hayl ah u yeelid. 2. Wax si dherer ah u dillaacin. ld haylaamee, haylyaamee.

jeex [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-xay, -xday)
Wax dillaacin.

marooradillaacin [m.dh]
ld muraaradillaacin.

dillaac [m.l]
Meesha bannaan ee u dhaxaysa wax is haystay oo in yar kala fuqay.

dillaac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
1. Wax jeexmid, qarxid. 2. Ciid, dagaal, iwm bilaabasho. 3. Wax beryid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version