Site icon Qaamuus

jawaabta

diqo
(m.dh)

1. Yaqyaqsi. 2. Hilib la shiiday oo suugada lagu daro. 3. Meel dhiriq iyo wasakh badan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh diqo

oodgeddi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Xero ama guri diqoobay meel u dhow u rarid (xoolo).

diqdiqo [m.dh]
1. Socodka laba meelood si joogto ah laysaga socdo. 2. Waddo dhuuban; wadiiqo. ld diqdiq¹.

diqdiqo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-qtay, -qatay)
Ku d.: cunto cuniddeeda ku noqnoqosho.

diqoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Ka d.: wax yaqyaqsi leh aad u nicid.

diqoobid [m.f.dh]
eeg diqow.

diqood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg diqoo.

diqow [m.l]
Isbeddelka dhadhanka iyo urta biyaha ku dhaca.

diqow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Diq noqosho (biyo).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version