dir
(m.l)Dad ama xoolo isku asal ah oo meel ka soo wada jeed; jaad; dhur.
dir
(m.l) (-rar, m.l)(baay.) Heer loo isticmaalo kala soocidda noolayaasha, taasi oo ka kooban hal ama in ka badan oo isku eg. Dirarka isu eg waxa loo kooxeeyaa faylan ahaan.
dir
(m.l) (-rar, m.l)(nax.) Waxaa lagu magacaabaa koox ereyo ah oo wadaaga hal ama dhawr dabeecadood, sida magacyada.
dir
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)1. Wax meel joogay ama yiil meel kale aaddin. 2. Ku d.: qof, qof kale xumaan uga dheegid si uu ula colloobo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dir ↴
aadiraac [m.l]
Dhicinta uu neef markaas rimay dhiciyo; qubeys.
faaddir [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-riin, m.dh)
Bil soon nin aan soonayn.
faaddirad [m.dh]
Bil soon haweenay af-furan.
faaddirnimo [m.dh]
Faaddir ahaansho.
faadir [m.l] (-riin, m.dh)
ld faaddir. faaddir
qaabbilo [m.dh]
Maalinta uu dirirku la fadhiyo
dayaxa oo dadku aaminsan yihiin in ay tahay
maalin cawo leh.
xaadir [m.l]
1. Meel joogid (qof); jooge.
2. Haatan. jooge, haatan
xaadir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Qof meel ku sugnaan ama tegid.
xaadiri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Dad meel jooga si loo ogaado kan maqan iyo kan jooga, magacyadooda yeerin.
xaadirid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xaadir². xaadir
d [m.dh]
(da') Xarafka afaraad ee xurufta
soomaaliga, ahna shibbane. ld deel (2).