Site icon Qaamuus

jawaabta

diran
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-rnaa, -rnayd)

1. Wax la diray ahaansho. 2. Qof waxgarad ah oo aan tilmaan u baahnayn. 3. Ku d.: wax aad u jecel oo in badan ka isticmaala ahaansho (qof).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh diran

dirnaan [m.f.dh]
eeg diran. ld dirnaansho.

dir [m.l]
Dad ama xoolo isku asal ah oo meel ka soo wada jeed; jaad; dhur.

dir [m.l] (-rar, m.l)
(baay.) Heer loo isticmaalo kala soocidda noolayaasha, taasi oo ka kooban hal ama in ka badan oo isku eg. Dirarka isu eg waxa loo kooxeeyaa faylan ahaan.

dir [m.l] (-rar, m.l)
(nax.) Waxaa lagu magacaabaa koox ereyo ah oo wadaaga hal ama dhawr dabeecadood, sida magacyada.

dir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax meel joogay ama yiil meel kale aaddin. 2. Ku d.: qof, qof kale xumaan uga dheegid si uu ula colloobo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version