diriq
(m.l) (-qyo, m.dh)Liilammo ama daliigo ad'adag oo xaskusha tuman iyo cawda feeran iwm laga reebo ama laga soo dhex saaro.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh diriq ↴
dhil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ilay, -ishay)
1. Qolofta kore ka qaadid (miro iwm). 2. Diriqa ka bixin (caw, xaskul iwm). 3. Luumo (galley, haruur iwm) oo isku meel ka baxay qaarkood siibid. 4. Timo qurxiin.
dhilan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-lmay, -lantay; -lmi)
1. Miro qoloftii iyo diirkii laga qaaday noqosho. 2. Diriqii laga bixiyey noqosho (caw, xaskul iwm). 3. Timo la qurxiyey noqosho. 4. Luumo galley, haruur iwm wax la siibay noqosho si aanay isu gubin.
dhilan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lnaa, -lnayd)
1. Miro qoloftii iyo diirkii laga qaaday ahaansho. 2. Diriqii laga bixiyey ahaansho (caw, xaskul iwm). 3. Timo la qurxiyey ahaansho. 4. Luumo galley, haruur iwm wax la siibay ahaansho si aanay isu gubin.
diriqsad [m.l]
ld diriqsasho.
diriqsasho [m.f.dh]
eeg diriqso. ld diriqsad, diriqsi.
diriqsi [m.l]
ld diriqsasho.
diriqso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Wax xoog ku meel marsasho. Tus. “Cali hawshaas markii hore looma dirin ee isagaa diriqsaday”.
dir [m.l]
Dad ama xoolo isku asal ah oo meel ka soo wada jeed; jaad; dhur.
dir [m.l] (-rar, m.l)
(baay.) Heer loo isticmaalo kala soocidda noolayaasha, taasi oo ka kooban hal ama in ka badan oo isku eg. Dirarka isu eg waxa loo kooxeeyaa faylan ahaan.
dir [m.l] (-rar, m.l)
(nax.) Waxaa lagu magacaabaa koox ereyo ah oo wadaaga hal ama dhawr dabeecadood, sida magacyada.
dir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax meel joogay ama yiil meel kale aaddin. 2. Ku d.: qof, qof kale xumaan uga dheegid si uu ula colloobo.