Site icon Qaamuus

jawaabta

diro
(m.dh)

ld dire.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh diro

raacdo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Ciidan laga daba diro ciidan wax laayay ama dhacay.

qaaddiro [m.dh]
Caajis, daal iyo hurdo la'aan ka yimaada cunidda qaadka.

raadiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
1. Qalab elek-taroon ah oo wararka dira lagana baahiyo. 2. Saldhigga wararka laga diro. ld raadi-yow.

taar [m.l] (-rar, m.l)
1. War farriin kooban oo nooc raadiyeyaasha ka mid ah lagu diro. 2. Silig wax lagu oodo. 3. (muus.) Daf afar geesle ah.

taarash [m.l]
1. Qof meel loo diro oo dhanbaaal ama farriin sida; dhanbaalwade. 2. ld tarash. Daliig dharka la huwado ama la guntado dacalkiisa lagu qurxiyo oo marada iyo faraqa u dhexaysa; xiddo.

anaakici [m.dh]
Koox ciidan ah oo si gaar ah u tababbaran oo cadow lala dagaallamayo dhulkiisa loo diro si uu u fadqalalleeyo.

arji [m.l]
(araaji /-iyo, m.dh) Qoraal loo diro dawlad, shirkad, hay'ad iwm oo wax lagu weyddiisanayo ama lagaga cabanayo.

birmad [m.l]
1. Gargaar degdeg ah oo meel ay dhibaato ka dhacday kaalmo ahaan loogu diro. 2. Ciidan hubaysan oo lagu xoojiyo ciidan kale oo dagaal ku jira ama dhibaataysan. 3. ld birmasho.

boosto [m.dh]
1. Maamul dawladeed oo ku jaadan waraaqaha, dhambaallada iwm oo la isu diro qaybintooda iyo isgaarsiintooda. 2. Xafiisyada iyo rugta hawlahaas lagu qabto.

diraddiro [m.dh]
ld diraddire.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version