dooy
(m.l)Dhul ciiddiisu midab gaduudan leedahay.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dooy ↴
ardooyin [m.l.w]
Duulal la rumaysan yahay in ay dadka ku ridaan cudur lagu daaweeyo udug iyo raashin; fiqiburaale; wadaaddo.
cismaandooy [m.l]
Geed abaareed aan qodax lahayn, leh caleemo dhuudhuuban, laamo tootoosan oo kala baxbaxsan iyo miro hurdi ah oo la cuno dhexdana laf adag ku leh.
diiddooy [Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate]
Neef irmaan oo aan oggolayn in la liso (geel).
dooyee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-yeeyay, -yeysay)
Fardo ku ilaala tegid.
dooyeyn [m.f.dh]
eeg dooyee. ld dooyeys.
dooyeys [m.l]
ld dooyeyn.
dooyo [m.dh]
1. Col ilaala ah; duul; dad. 2. Caws waaweyn oo dooxooyinka ka baxa oo ay xooluhu daaqaan.
maddooyaa [m.l]
Geed-naagaar, dhirta dawada ka mid ah, leh ur silloon iyo caleemo yaryar oo xooluhu daaqaan.
maddooyamaddooyo [m.dh]
Nooc ka mid ah cayaaraha carruurtu dheesha oo qori inta la tuuro iyadoo iska dhowraysa in la taabto. ld maddooyo.