Site icon Qaamuus

jawaabta

dubbe
(m.l) (-bayaal, m.l/dh)

Qalab ka kooban bir kuusan oo qalab kala duwan leh iyo daab madaxa kula jira oo farsamayaqaanku ku garaaco biraha uu farsamaynayo; burris.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dubbe

burris [m.l]
1. (-syo, m.dh) Dubbe. 2. ld burin.

dubbee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -beysay)
Wax dubbe ku garaacid.

dubbeyn [m.f.dh]
eeg dubbee. ld dubbeys.

dubbeys [m.l]
ld dubbeyn.

dubbeysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax dubbe lagu garaaco ahaansho.

dubbeysnaan [m.f.dh]
eeg dubbeysan. ld dubbeysnaansho.

dubbeysnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld dubbeysnaan.

hirimaddubbe [m.l]
Ciyaar hiddaha iyo dhaqanka ka mid ah, laga dheelo aroosyada laga ciyaaro degmada Boosaaso iyo agagaarkeeda.

wanantume [m.l] (-mayaal, m.l/dh)
Qori geed jilicsan ka samaysan oo leh qaab burris ama dubbe oo wananka lagu tumo; tutume.

dub [m.l] (-bab, m.l)
1. Maqaar, harag iwm. 2. Qolof adag oo ay dusha ku yeeshaan geedaha ama miraha qaarkood.

dub [m.l] (-bab, m.l)
ld dib¹.

dub [m.l]
(c.nafl.) Qaybta adag ee weliba ah lakabka ugu hooseeya ee aragga lafdhabarleyda. Lakabka kale waad.ka bare. Haraggu wuxuu ka koobanyahay nudo isku xidhayaal miiqan, kuwaas oo ay ku dhex jiraan dhuumaha dhiiggu, (dhammaadka dareenwadka iyo naasleyda) goonka tina ah, qanjidhada dufanka iyo narinnada dhididka.

dub [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Hilib iwm dab ku solid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version