dubnad
(m.dh)Dhagax yar yar oo qaab sanduuqeed leh oo tirooyin kala duwan oo dhibco ahi ku samaysanyihiin oo dadku ku dheelo. ld dumnad.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dubnad ↴
yeeg-bibiish [m.l] (-iyo, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kale-na shan dhibcood. ld banji-biyeeg, biish-biyeeg, yeeg-bibanji.
yeeg-bicaddaan [m.l] (-nno, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kalena ka cad. ld caddaan-biyeeg.
yeeg-bidooh [m.l] (-hyo, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kalena laba dhibcood ku leh. ld dooh-biyeeg.
yeeg-bijoohaar [m.l] (-rro, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kalena afar dhibcood ku leh. ld joohaar-biyeeg.
yeeg-bisaliim [m.l] (-mo, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac ku leh hal dhibic, dhinaca kalena saddex dhibcood ku leh. ld saliim-biyeeg.
yeeg-bishiish [m.l] (-shyo, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay, dhinac ku leh hal dhibic, dhinaca kalena lix dhibcood. ld shiish-biyeeg
banji-bicaddaan [m.l] (-nno, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu cayaaro dhinac ka cad, dhinaca kalena ku leh shan dhibcood. ld caddaan-bibiish.
banji-bidooh [m.l] (-hyo, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu cayaaro dhinac labo dhibcood ku leh, dhinaca kalena ku leh shan dhibcood. ld dooh-bibanji.
banji-bijoohaar [m.l] (-rro, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac afar dhibic ku leh, dhinaca kalena shan dhibic. ld joohaar-bibanji.
banji-bishiish [m.l] (-shyo, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac shan dhibcood ku leh, dhinaca kalena lix. ld biish-bishiish, shiish-bibanji, shiish-bibiish.