Site icon Qaamuus

jawaabta

dud
(m.dh)

Baadiye, duur.

dud
(m.dh)

Cid meel wada deggan.

dud
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-day, -dday)

1. Qof caro muujin isagoo u fooltubaaya qofkuu u caraysnaa. 2. Gurigeeda ka tagid caro awgeed (qof haween ah). Tus. “Xaliima ninkeedii bay ka soo dudday”. 3. U d.: wax ul, gacan iwm u baacin.

dud
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-day, -dday)

ld did.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dud

beel [m.dh] (-lo, m.l)
Cid ama reero badan oo meel wada deggan; duddo; qeyro.

biyo-fududayn [m.dh]
(kiim.) Ka saaridda ayoonnada kaalsiyam, magniisiyam iyo feeram; iskudhis ahaan looga saaro biyaha ay ku milanyihiin; sidaa darteedna lagu yareeyo adkaanta biyaha.

caraceli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Haweenay dudday gurigeedii ku celin iyadoo la raalli gelinayo.

carafudud [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-daa, -dayd)
Qof dhaqso u xanaaqa ahaansho.

carafududaan [m.f.dh]
eeg carafudud. ld carafudayd, carafududaansho.

carafududaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld carafududaan.

caroceli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Haweenay dudday gurigeedii ku celin iyadoo la raali geliyay.

caynaan [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Suun xakamaha labadiisa dhinac ku xiran oo gammaanka lagu dudduwo laguna joojiyo.

cudud [m.dh] (-do, m.l)
1. Xubinta u dhexeysa garabka iyo xusulka. 2. Xoog; awood.

cudud [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Wax xoog ku muquunin.

d [m.dh]
(da') Xarafka afaraad ee xurufta soomaaliga, ahna shibbane. ld deel (2).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version