dufan
(m.l) (-nno, m.dh)Subag, saliid, xayr, iwm oo wax lagu iidaanto laguna subkado.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dufan ↴
aftiro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
Qof, wax sida dufan, caano iwm oo afkiisa ku yaal iska bi'in.
asiidh-dufaneed [m.l] (-dyo ..., m.dh)
(baay.) Iskudhis orgaanig ah oo ka kooban silsilad haydarookaarboon iyo dhammaad ah koox kaarboogsayl.
baruur [m.dh]
Hilib intiisa aan ahayn oo dufanka leh.
basaas [m.dh]
Qallaylka, googgo'a iyo midab doorsoonka ku dhaca timaha marka aan muddo dufan la marin.
basaas [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-say, -stay)
1. (f.g) Cid sirteeda, cid kale oo ay dan u tahay u gudbin. 2. (f.mg) Timo aan muddo dufan la marin qallayl, googgo'iyo midab doorsoon la kulmid.
calas [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. C. ah: biyo saafi ah. 2. C. ah: maraq dufankiisu yaryahay. 3. C. ah: midab casaan xigeen ah; maarniin.
dallac [m.l]
1. Khudrad, hilib, dufan iwm oo la isku shiiqay. 2. ld dallicid.
dallac [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-cay, -cday; -lici)
1. (f.g) Khudrad, hilib, dufan iwm isku shiilid. 2. (f.mg) Dallacaad helid (qof).
dhaashi [m.l]
1. Dufan ama labeen udug leh oo oogada la marsado. 2. ld dhaashasho.
dhaqdhaq [m.l]
1. Wax yar oo dufan ah ama caano ama biyo ama wax la mid ah oo wax lagu agloolo ama lagu xalo. 2. Caano ama biyo yar oo weel salkiisa ku haray. 3. ld dhaqdhaqid.
duf [m.dh]
1. D. ah: wax rifan, wax calal ah. 2. D. ah: dulli. 3. D. iyo dooriso!: hoog!; ba'!.
duf [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-faf, m.l)
1. Dhogor badan oo is-haysata. 2. Wax dhogor leh. 3. Mayrax la jilciyey oo la feeray. 4. Shukumaan.