dugaag
(Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective)1. Bahalaha intooda hilib ku noolka ah. 2. Qof laayaan ah oo naxariis daran.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dugaag ↴
yey [m.l]
(c.nafl.) Bahal dugaagga ka mid ah oo eeyga u eg, arigana aad u laysa; uubato; uu'leey. ld yeey.
adamaddoon [m.l]
Qof ugaarsada dugaagga iyo ugaarta intooda halista ah. ld adame.
adan [m.dh]
1. Libaaxa tan dheddig; gool. 2. Ugaarta ama dugaagga intooda laayaanka ah. 3. Koox libaaxyo ah.
afxir [m.l]
Asraar loo akhriyo xoolo lumay si uusan dugaag u cunin. ld aftuur¹.
afxir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Xoolo lumay quraan u akhrin si aan dugaag u cunin. ld aftuur².
afxiran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
1. Qof soon niyaystay ahaansho. 2. Dugaag si uusan xoolo lumay u cunin wax la afxiray ahaansho.
bidibidi [m.dh] (-iyaal, m.l/dh)
Shimbir kashifta dugaagga oo ugaarsatadu neceb tahay.
caradugaag [m.l]
Cudur eyga ku dhaca oo ku khasba in uu qaniino dadka iyo xoolaha.
cubcub [m.l]
1. Maqaar dhal xoolaad, dhisan caws ka buuxo, leh qaabkii ilmaha dhintay oo neefkii dhalay lagu godliyo; joojooge. 2. Wax muuq dad leh oo beeraha la dhex dhigo si ay shimbiraha, dugaagga iwm uga cararaan. 3. Derin cusub oo aan weli la kala jeexin. 4. ld cubcubid. ld cucub¹.
dawaco [m.l] (-ooyin, m.l)
1. Dugaag hilib ku noolka ka mid ah, eyga u eg kase yar oo ariga laaya. 2. Dawacada midkeeda dheddig. ld dacawo, dayo¹ (2).