Site icon Qaamuus

jawaabta

dugsi
(m.l) (-iyo, m.dh)

1. Meel duggaal ah. 2. Meel wax lagu barto. ld iskool, iskuul.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dugsi

maammule [m.l] (-layaal, m.l/dh)
1. Qof hawl agaasinkeeda madax ka ah. 2. Qof dugsi madax ka ah. ld maamule.

aftax [m.l]
Fasax aan caadi ahayn oo ardayda dugsiga quraanka la siiyo.

aftax [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-xay, -xday; -tixi)
Fasax aan caadi ahayn siin (arday dugsi quraan).

akademiye [m.l]
1. Maamul ka kooban aqoonyahanno oo loo xilsaaray kor u qaadidda aqoonta, fanka iyo dhaqanka bulshada. 2. Dugsi sare oo qaabilsan carbiska ciidamada. ld akademiyo.

alifley [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Carruur dugsi ku jirta oo alifka dhigata. 2. Ciidamada inta alif sidata.

almadar [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Arday waxbarashada dugsiga hoose ku jirta.

anqaas [m.dh]
Hoore madow oo ka samaysan dhuxul, xabag, caano ama biyo isku riiqan oo ardada dugsiga quraanka wax ku qortaan. ld inqaas.

ardayad [m.dh]
1. Gabar tacliin nidaamsan oo sanado go'an iyo heerar kala duwan leh ku hawlan. 2. Gabar dugsi quraan dhigata.

asaasan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-smay, -santay; -smi)
Wax asaasan noqosho. Tus. “Dhismihii dugsiga cusub weli ma asaasmin”. ld aasaasan¹.

asiili [m.l]
1. ld asali. 2. Dugsiga caruurta yaryar aadaabta iyo farta lagu baro inta aanay waxbarashada rasmiga ah bilaabin.

dug [m.l] (-gag, m.l)
1. Meel aan dhaxan lahayn; duggaal; dugsi. 2. Dhinaca dabeyshu u socoto.

dug [m.dh]
Delebka oo inta la rido aan wax dhibic ah lagu helin (cayaarta delebka).

dug [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. (f.g) Wax jihadey u socdeen ka leexin. 2. (f.mg) Foorarsasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version