dululaati
(m.l)ld dulalaati.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dululaati ↴
kaahin-birlabdanabeed [m.dh]
(fiis.) Hirar tamareedka ka dhasha saxaro danabaysan iyo badada danab iyo badada birlabta ee la xiriira. Hirarka kaah birlabdanabeedku uma baahdaan dululaati ay ku dhex baahaan.
badad [m.dh] (-dyo, m.dh)
(fiis.) Dululaatiga laga dareemi karo xoog; xooggaasi oo uu sababay jiritaanka walax taalla bar ka mid ah dululaatiga. Noocyada b.da waxa ka mid ah: a) b.birlabeed, b) b. danabeed c) badad cufisjiidad.
dulalaati [m.l]
Dalool yar, ka bannaan wax is haysta ama jiq oo cirku muuqdo. ld dululaati.
hir [m.l] (-rar, m.l)
(fiis.) Labid kaleed ee dhextaal ama dululaati. Marka uu hir socdo, garurka ayaa tamarta meel ka kexeeya, geeyana meel kale.
jid-kiimikeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(kiim.) Hab loo dhigo iskudhiska kiimikaad iyada oo la adeegsado summado taagan atammada. Naanays-molikuyuulku waxay sheegtaa keliya noocyada iyo tirada atammada. Dhis-naanays molikuyuulku waxay muujisaa sida atammadu u habaysanyihiin. Dhis naanays molikuyuulku waxaa kale oo ay muujisaa sida atammada ama kooxuhu ugu aaddanyihiin dululaatiga.
madhan [m.dh]
(fiis.) Dululaati uu ka jiro cadaadis hoose oo neef ah micnaheeduna tahay xaddiga atamyada ama molikiyuulada ayaa aad u hooseeya.
moqor [m.l] (-rro, m.dh)
1. Dalool yar oo jirridaha dhirta waaweyni yeelato oo kolkii biyaha roobku galaan dhuuno lagaga cabbo. 2. Dululaati hulan oo ku dhex jira jidh adag. ld maqoor.
sinaab [m.l] (-bbo, m.dh)
(c.nafl.) Barta ay ku kulmaan laba dareenwade oo deris ah,taas oo ah inta u dhaxaysa dhammaadka miiq dareenwade iyo fadhaq dareenwadaha kan ku xiga. Sinaabyada xuubabka labada unug aad ayey isugu dhawyihiin. Gujada dareenwaduhu waxay kaga gudubtaa sinaabka miiq dareenwadaha caaradiisa oo soo daaya walax dareen-mootiye; taas oo dhex gesha ugana gudubta dululaatiga sinaab fadhaq dareenka dareenwadaha ku xiga.
tamar-kaah [m.dh]
(fiis.) T. k.inta birlabdanabeed ee dhexmari karta dululaati aan maatar lahayn.