Site icon Qaamuus

jawaabta

dulun
(m.l)

ld dulmi¹.

dulun
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-lmay, -lantay; -lmi)

ld dulmi².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dulun

dulmi [m.l]
Fal sameyntiisu cid xadgudub ku tahay. ld dulan¹, dulin (2), dulun¹.

dulmi [Fal Gudbe1/2 | Verb Transitive1/2] (-iyay, -iday/isay; -iyi)
Cid dulun ku sameyn. ld dulan², dulin², dulun².

dulundulcee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-ceeyay, -ceysay)
Biyo, mas iwm si dulundulco ah u socosho.

dulundulceyn [m.f.dh]
eeg dulundulcee. ld dulundulceys.

dulundulceys [m.l]
ld dulundulceyn.

dulundulceysii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
Si dulundulco ah u wadid.

dulundulceysiin [m.f.dh]
eeg dulundulceysii.

dulundulco [m.dh]
Socod si talantaalli ah dhinac loogu leexdo oo maska, mulaca, abeesada iwm leeyihiin.

dul [m.l] (-lal, m.l)
1. Labada dalool ee sanka middood. 2. Dalool kasta oo yar.

dul [m.dh] (-llo, ml.)
1. Oogada sare ee wax kasta leeyihiin. 2. Meel sare oo dhulka intiisa kale ka yara kacsan. 3. Sabir iyo adkeysi dhibaato loo yeesho.

dul [m.dh] (-llo, m.l)
(juqr.) Aad u fidsan, waa heer ama ugu badnaan heer meeleed oo dhul dheer, dhul sare ah.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version