Site icon Qaamuus

jawaabta

duray
(m.l)

(daaw.) Cudur fiirus keeno oo dunida oo dhan ku faafsan kaas oo keena halamacoodka sanka, cunaha iyo dhuumaha neefta. Cudurka waxa la isku qaadsiiya qufaco iyo hindhisada.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh duray

cabbur [m.l]
Xirmidda sanku neeftu ku xiranto, duray, sanboor iwm awgood. ld cabburid.

curan [m.l]
Xirmidda sanka neeftu ku xiranto, duray, sanboor iwm awgood.

hargab [m.l]
Xanuun qufac, hindhiso iyo xummad leh oo dadka ku dhaca; duray. ld hergeb.

irbadeysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax dawo lagu duray ahaaansho (nafley). ld cirbadeysan.

dur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax caarad dhuuban cid ku mudid. 2. Cid dawo cirbad ku siin. 3. Marag, dood, iwm. iin u yeelid.

dur [m.l]
1. Shilin, kumi iwm dhinaca aan sawirka lahayn. 2. Ciyaarta delebka, qoriga lagu ciyaaro dhiniciisa durka leh.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version