Site icon Qaamuus

jawaabta

durug
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-rkay, -rugtay; -rki)

1. Meel ka sikasho. 2. Meel ka fogaansho. ld duruq.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh durug

oddoros [m.l]
1. Qiyaas lagu maleeyo roob meel durugsan ka da'ayo. 2. Cilmi lagu male-awaalo waxa mustaqbalka dhici doona.

haabo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-btay, -batay)
Wax in yar durugsan gacan ku laacid.

yabaq [m.l]
Hadal iyo dhawaaq dad meel durugsan ka yeeraya. ld jabaq¹, yabaaq. jabaq, yabaaq

haajir [m.l]
1. Qof dal durugsan aadaya. 2. ld haajirid. ld haayir¹ (3). haajirid, haayir

abtisarow [m.l]
Sarmooyinka dhabannada iyo labada indhood dhexdooda carruurta uu ka saro abtigood durugsan; sarow.

buubso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Wax cayrasasho. 2. Wax hor u durugsasho.

dhaandabaggaale [m.l]
Dhaldhalaal biyo la moodo oo samaysma marka milicda kulul ee qorraxdu ku dhacdo meel yara durugsan; wirwir.

dhaqaaqsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax dhaqaaq diyaar u ah ahaansho. 2. Wax meel ka durugsan ahaansho.

durjisad [m.l]
ld durugsasho.

durjisan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
ld durugsan.

dur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax caarad dhuuban cid ku mudid. 2. Cid dawo cirbad ku siin. 3. Marag, dood, iwm. iin u yeelid.

dur [m.l]
1. Shilin, kumi iwm dhinaca aan sawirka lahayn. 2. Ciyaarta delebka, qoriga lagu ciyaaro dhiniciisa durka leh.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version