duub
(m.l) (-bab, m.l)1. Maro yar oo si gaar ah madaxa loogu xirto. 2. D. ah: xirmo tubaako, dhis, gaarso iwm ah.
duub
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-bay, -btay)Xoolo si loo kaxeeya meel isugu keenid.
duub
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-bay,-btay)1. (f.g) Dermo, maro, xarig iwm dhowr jeer isku-dulwareejin. 2. (f.g) Nabar gaarso ku marid. 3. Cid boqrid. 4. Cajalad, hadal, hees, iwm ku sajalid. 5. (f.g) Xoolo si ay u dheereeyaan u kaxayn. 6. (f.g) Xoolo jihaday u socdeen ka leexin. 7. (f.mg) Isk u d.: qof ku dhegid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh duub ↴
daabac [m.l]
1. Duub dun ah oo maryaha lagu
xardho. 2. Dhar dun lagu xardhay. 3. (-cyo,m.dh) Meesha ay iska galaan daabka iyo birta toorreyda. 4. ld daabicid. daabicid
naastro [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Qalab hadalka iwm ku duuba cajaladaha. 2. Silsilad xabbadaha qorigu ku jiraan oo boobayaasha culus la geliyo. 3. Mullaax maro ah oo khad leh loo isticmaalo makiinadaha qoraalka.
qaanuun [m.l] (-nno/qawaaniin, m.dh)
1. Sharciyo iyo nidaamyo isku duuban oo qolo gaar ah ku dhaqanta. 2. Dhaqan. ld qaynuun, qeynuun.
rablee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -laysay)
1. Labada lugood oo isku duuban oo kol ama ka badan boodid. 2. Timo haween si rable ah u samayn.
xalus [m.l]
Laab weyn oo baruur duuban ah oo dadka shilis, siiba dumarku, xuddunta hoos-teeda ku yeeshaan. ld xulus.
yuur [m.dh]
Duubidda qof sarta wejiga duubo marka uu wax diiddanyahay
afduub [m.l]
1. Xoog iyo khasab cid lagu kaxaysto si wax loogu madax furto ama dan gaar ah loogu fushado. 2. Afsaab. 3. ld afduubid.
afduub [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Xoog ama khasab cid ku kaxaysasho si wax loogu madax furto ama dan gaar ah loogu fushado. 2. Af (dad ama xoolo) wax ugu duubid.
afduuban [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-bnaa, -bnayd)
Wax la afduubay ahaansho.
afduube [m.l] (-bayaal. m.l/dh)
Qof afduub sameeya.
du [f.a ]
eeg duw.