fallaar
(m.dh) (-ro, m.l)1. Bir yar, dhuuban, afka gammuun looga daabo, qaansooyinka laga gamo oo loo adeegsado dagaalka iyo ugaarsiga. 2. Nudo dhuudhuuban oo iftiinka qorraxda keena.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fallaar ↴
waabaayee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-yeeyay, -yaysay)
1. Nafley sumayn. 2. Waran, fallaar iwm waabaayo
marin.
kaahfalid [m.dh]
(fiis.) Burburka dabiiciga ah ee ku dhaca bu'da atamyada qaarkood, ayna weheliso bixinta saxarrada alfa, bu'da heliyam, saxarrada beta elektaroonno, ama fallaaraha gaama.
kaah-qorraxeed [m.l]
(fiis.) Tamar kaahda dhulka iyo meereyaasha kale ay ka helaan qorraxda. Kaaha gorraxdu si la taaban karo ayuu ugu kala duwanyahay dhulka dushiisa. Xaddiga kaah gorraxeedku wuxuu isla beddelaa kolba xagasha ay fallaaraha ilaysku uga soo dhacayaan dhulka maalinta dhexdeeda.
laako [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. Laangeed oo labo qaybood u kala baxdo. 2. Mataano. 3. Fallaar, dabbaanta ka yara ballaaran oo aan dhega lahayn.
qaansarroobaad [m.dh] (-dyo, m.dh)
(fiis.) Qaansada midabbaysan oo ka kooban midabbada isbektramka, oo la arko marka ilayska qorraxdu ku dhaco roobka, waxaana sababa noqodka iyo qalloocashada fallaaraha ilays ee ku dhacaya dhibcaha roobka.
raad-guri-cagaar [m.l] (-dad, m.l)
(c.cimi.) Muuqaal fallaaraha qorraxeed ee galay gibilka dhulka: gibilku wuxuu u oggolaadaa tamarta qorraxeed ee hirarka gaaban inay gaarto dhulka dushiisa; tamartaasi waxay kululaysaa dusha dhulka, dabadeedna dhulku tamar kulul oo hirarkeedu ay dhaadheeryihiin ayuu gibilka ku sii daayaa, kulaylkaasna gibilka ayaa lagu hayaa gaar ahaan marka cirku caad leeyahay. Sidaas darteed gibilku wuxuu u shaqaynayaa sida qarshada guri cagaar.
xagjir [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate] (-rro, m.dh)
1. Neef irmaan oo aan gayax (sidig) ahayn (geel ama lo'). 2. X. ah: fallaar keligeed la gano oo aan laake ahayn. 3. X. ah: qof aan dhexdhexaad ahayn.
afardhegood [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. Sagaarada lab ee kolkaas u soo baxeen geeso la arki karo oo kolkaa la moodo in ay afar dhegood leedahay. 2. Fallaar dhegtiiba laba tarfaaq leedahay, ama afar geesood oo geeskiiba dheg leeyahay. 3. Digir markaa soo baxday oo afar caleemood leh.
arag-dhowaadka [m.l] (-rgo ..., m.l)
(daaw.) Xaalad arag oo ay fallaaraha ifku ku dhacayaan meel ka horreysa xuubka aragga (reetina); wixii yaal meel ka fog lix mitir si fiican looma arko, isha oo la khasbana laguma sixi karo. Waa in la qaato murayadaha indhaha oo takhtarku u qoray.
baalfallaar [m.dh]
Shinbir dhabarka ka cad, calooshana madow ciiro bus ah ku leh, oo dabo ganto ah iyo baalal dhadheer oo u eg kuwa fallaarta leh.