faran
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-amay, -antay; -ami)ld fartoon.
faran
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-rnaa, -rnayd)1. Wax farriin la faray ahaansho. 2. Wax fandharan ahaansho (nabar).
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh faran ↴
gaal [m.l] (-lo, m.dh)
1. Nin aan muslin ahayn. 2. Nin aan raxmad lahayn. 3. ld faranji. 4. ld ceelgeel: Ceel biyo badan oo aan dhano la hayn; ceelgaal. 5. ld geel (haruubgaal, xeryagaal iwm). faranji
biraha-alkaali [m.l]
(kiim.) Curiyayaasha ururka 1aad ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxay dhammaantood ku leeyihiin hal elektaroon heertamarkooda ugu sarreeya. Waxay sameeyaan ayoonno togan oo xaaladdooda ogsidhayntu tahay I. Ogsaydhadoodu waxay ku milmaan biyaha si ay u sameeyaan alkaaliyo. Biraha alkali waa litiyam (li), soodiyam (Na), botaasiyam (K), rubiidiyam (Rb), susiyam (Cs) iyo faransiyam (Fr).
dhuun-goys [m.l]
(taar.) Qalab ama aalad loo isticmaal ijiray in dambiilayaasha lagu surgooyo, gaar ahaan waxa laga isticmaali jiray dalka Faransiiska waqtiyadii hore.
faaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
ld faran².
farandulle [m.l]
Orod labada gacmood iyo labada addin dadku ku ordo. ld firindiglo.
farandullee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -leysay)
Lugo iyo gacmo wada jira ku ordid (dad). ld firindiglee.
farandulleyn [m.f.dh]
eeg farandullee. ld farandulleys, firindigleyn, firinndigleys.
farandulleys [m.l]
ld farandulleyn.
far [m.dh] (-ro, m.l)
1. Xubnaha dhuudhuban oo ciddiyuhu ku yaallaan oo gacmaha iyo cagaha dadku ku dhammaadaan middood. 2. Hab loo qoro af. 3. Jeex biyo mareen ah. 4. Fandhaal 5. Xuruuf loo adeegsado qorista afka. 6. Hab farshaxan oo wax loo sameeyo.
far [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Meel, jir iwm qalab caarad dhuuban ku qodid. 2. Cid farriin u dhiibid. 3. Cid amar siin.