Site icon Qaamuus

jawaabta

fariisin
(m.f.dh)

eeg fariisi. ld fadhiisin¹.

fariisin
(m.l)

1. Meel xoolo ama dad la dejiyey. 2. Hantida ugu horreysa ee macallin quraan laga siiyo arday markaas loo keenay. 3. Dhanka laga fariisto lo'da marka la lisayo. 4. Mingis-seeridda marxaladda labaad. ld fadhiisin².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fariisin

arrun [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-umay, -untay; -umi)
Neef geel ah oo taagan fariisin.

balli [m.l]
(balli /-iyo, m.dh) Biyo fariisin dabiici ah, yara godan oo roobku biyeeyo.

biyafariisin [m.l] (-nno, m.dh)
Dhul godan oo biyo qabatin leh. ld biyafariisad.

danqaaro [m.dh]
Nooc cawska dhaadheer ka mid ah oo meelaha biyo fariisinka ah ka baxa. ld danqaare.

dhaal [m.l] (-lal, m.l)
1. Dheri yar oo dhoobo ah. 2. Dhuun buuriga lagu nuugo. 3. Dhul bannaan oo biyo fariisin ah.

fadhiisin [m.dh]
ld fariisin¹.

fadhiisin [m.l]
ld fariisin².

hod [m.dh]
Meel taag hoostiis ah, godan oo biyo fariisin leh.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version