Site icon Qaamuus

jawaabta

farxi
(Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2) (-iyay, -isay)

Ka f.: cid farxad gelin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh farxi

arwaaxi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid ka farxin.

baqshiish [m.l]
Hanti yar oo qof adeegay farxin ahaan loo siiyo.

baqshiish [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-shay, -shtay)
Qof adeegay, farxin ahaan hanti yar siin.

faarixid [m.dh]
ld farxid.

farxid [m.f.dh]
eeg farax². ld faarxid.

farxin [m.f.dh]
eeg farxi.

musaraar [m.l]
1. ld musaraarid. Ku farxidda qof aad ugu farxo wax uu helay. 2. Argagax ama sas ama wax kale oo lala maanwareero; jidbo.

musaraar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Qof si aad ah u farxid, musaraar ku dhicid. ld musareer², musuraar².

qosli [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. Ka q.: cid qosol ka keenid. 2. Ka q.: cid ka farxin.

far [m.dh] (-ro, m.l)
1. Xubnaha dhuudhuban oo ciddiyuhu ku yaallaan oo gacmaha iyo cagaha dadku ku dhammaadaan middood. 2. Hab loo qoro af. 3. Jeex biyo mareen ah. 4. Fandhaal 5. Xuruuf loo adeegsado qorista afka. 6. Hab farshaxan oo wax loo sameeyo.

far [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Meel, jir iwm qalab caarad dhuuban ku qodid. 2. Cid farriin u dhiibid. 3. Cid amar siin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version