Site icon Qaamuus

jawaabta

fasakh
(m.l)

Furidda haweeney laga furo saygeeda isaga oo aan ogeyn ama ka raali ahayn. ld fasakhid.

fasakh
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-khay, -khday)

1. (f.g) Haweeney saygeeda oo aan ogeyn ama raali ka ahayn furid (qaalli). 2. (f.mg) Dhar iwm liinbixid. ld fasaq².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fasakh

dhaqan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qmay, -qantay; -qmi)
1. Nijaaso, wasakh iwm mayrmid. 2. Wax midab leh fasakhmid. 3. Haweeney gurigeeda si wanaagsan u maamulid. 4. Ku dh.: qalab, sharci iwm adeegsasho. 5. Ku dh.: guri iwm ku noolaan.

fasakhan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-khmay, -khantay; -khmi)
Wax liinbaxay noqosho (dhar iwm). ld fasaqan¹.

fasakhan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-khnaa, -khnayd)
Wax la fasakhay ahaansho. ld fasaqan².

fasakhasho [m.f.dh]
eeg fasakho. ld fasaqasho.

fasakhid [m.f.dh]
eeg fasakh². ld fasakh¹, fasaq¹, fasaqid.

fasakhmid [m.f.dh]
eeg fasakhan¹. ld fasaqmid.

fasakhnaan [m.f.dh]
eeg fasakhan². ld fasakhnaansho, fasaqnaan, fasaqnaan-sho.

fasakhnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld fasakhnaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version